Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee XAMAR looga arkay ciidamada cusub ee lagu wareejiyay amniga? (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa amaanka guud ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku waraeejisay  ciidamo cusub oo militari ah.

Ciidamadan oo loogu magacdaray 14 October ayaa lagu wareejiyay guud ahaan amniga magaalada Muqdisho kuwaasoo ay dowladu sheegtay in sugayaan amaanka magaalada oo waayadan ahaa mid gacanta kasii baxaayay.

Go’aanka ciidamada Militariga loogu wareejiyay amniga Muqdisho ayaa yimid kadib marii madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu codsadey in dib u habeyn lagu sameeyo qaabkii loo sugi jiray amniga caasimadda.

Waxa ayna dowlada sheegtay in ciidamadan ay noqon doonaan kuwo xasiliya caasimada Soomaaliya oo maalmahan dambe deris la ahayd weerarada iyo qaraxyada ay geysanayaan dagaalyahanada Alshabaab.

Dareeska ay wataan ciidamadan oo cagaar buufis ah ayaa horaanta asbuucii hore lagu weeraray fariisimo ay afafka hore Villa Somalia uga sugan yihiin ciidamada Koofi casta ee ilaalada ka heysa xarunta dalka looga arimiyo ee magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago rajada laga qabo ciidankan cusub ee mas’uuliyada amniga caasimada dusha loo saaray hadana badi dadka ku nool caasimada waxa ay soo dhaweynayaan ciidamadan Militarigan maadaama kuwii hore ay ahaayen kuwo shacabka u muujinaayay ad adeeg.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia oo waayadan ahaa kuwo ka cabanaayay kala xirnaanshiyaha waddooyinka ayaa sheegay in ciidankan ay noqon doonaan kuwo ku filnaada sugida amniga Muqdisho.

Sidoo kale, shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay ciidamada cusub ee 14 October ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la socdaan ciidamadan si ay ula dhaqmaan dadka shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada cusub ee dareeskooda horay loogu geystay weerarka ayaa waxaa mar kale cabsi laga qabaa in  dharkooda lagu fuliyo weerar labaad maadama uu ku jiro gacanta Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this