Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Magacooda waa Al-Shabaab balse waa ay kala Al-Shabaabsan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

10-kii sano oo tagay waxaa shacabka Soomaaliyeed ku habsaday dhibaatooyin fara badan oo intooda badan ku cusub dhaqanada Soomaaliyeed. Dhaqamadaas xumaanta u saaxiibka ah waxaa intooda badan loo tiiriyaaa ururka loo yaqaano Al-Shabaab oo gacan saar la leh urur weynaha Al-Qaacida. Ficilada ay ummada Soomaaliyeed kula kacaan waxaa ka mid ah gowraca, dil wadareed (Qarax) iyo mid shakhsiyadeed (Madax jebis), hanitida baadka ah ay ka qaataan ganacsatada iyo beeralayda iyo kuwa kale oo tira badan. Xadgudubyadaas ay u geeysanayaan ummada Soomaaliyeed guud ah haddana waxay u daran yihiin deegaanada qaarkood, taasoo keentay in su’aala badan la iska weydiiyo mabda’ diineedka ay sheegteen.

Al-Al-Shabaabka jooga inta u dhaxaysa Moqdisho iyo Baydhabo waxay canshuur ka qaataan gawaarida xamuulka ah oo ka shaqeeya wadadaas. Ganacsada iska leh gawaaridaas waxay bixiyaan lacag gaaraysa 1,300 dollar safar walba, Lacagtan oo ay ugu magac dareen khidmo, tani waxay reer Baydhabo usaamaxaday inay  helaan badeeco ay ku maareeyaan noloshooda. Hase ahaatee Al-Shabaabka jooga deegaanada ka baxasan Baydhabo gaar ahaan kuwa jooga gobolka Bakool waxa ay ka Al-Shabaabsan yihiin kuwa jooga inta u dhaxaysa Mogidisho iyo Baydhabo.

Al-Shabaabka jooga Bakool waxay ganacsatadii deegaankaas u diideen inay soo rartaan  gawaari amaba isticmaalaan wadooyinka goboladaas ayagoo ku sababeeyey inay wadanka heystaan cadow ay ula jeedaan Itoobiyaanka  ku sugan deegaanada Xudur iyo Waajid.

Tani waxay sababtay in shacabkii ku dhaqnaa deegaankas ay ku noolaadaan wax hawada loo mariyey oo keli ah,  taasoo shacabkaas aan dakhli buuran laheyn awoodin inay iibsadaan badeecadaas hawada la mariyey.

Al-Shabaabka deegaanadaas waxay dab qabadsiiyeen kumanaan tan oo raashiin oo ay iska lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed islamarkaasna dileen amaba gowraceen dad ka badan 500 qof 4 tii sanoo ugu dambaysay, waxay baasuukayaal la dhaceen gawaari yer yer oo deegaankaas u socday iyo xadgudubyo tiro badan aan halkaan kusoo koobi karin.

Hadaba, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, Itoobiyaanka jooga Baydhabo ma guuto Al-Shabaab kamid ah baa mise Al-Shabaabka bakool baa ka Al-Shabaabsan  kuwa Baydhabo gawaarida u fasaxay ???

Dowladda dhaxe waxay iloowday shacabkeedii ku dhaqnaa gobolada ka baxsan Banaadir, waxayna ku halaysay amaanka shacabkaas dhibaataysan dad lagu sheegay madax maamul goboleed oo kursi celis dhinac u dhaafi waayey.

Yaa u maqan shacabkaas loo diidey inay xitaa gaari dameer wax ku qaataan ?

Anoo soo gabagabaynaya Waxaan halkaan kusoo jeedinayaa 3 fikradood oo aan isleeyahay isbedel guud dhanka amaanka ah ayey keeni karaan waana sidaan hoos ku xusan :

  1. Waxaan wax walba ku saleynay awood qeybsi astaantiisu tahay wax loo yaqaano 4.5, anagoo raadraac ugu jirno xil iyo saaxad ka muuqasho qabiil. Hadaba maxaa noo diidaya inaan xitaa ku salayno shaqada amniga qaranka 4.5. Tani waxaan ula jeedaa in qabiil kastaba deeganka uu kasoo jeedo kasoo xureeyo cadowga Al-Shabaab isla markaasna matalaad siyaasadeed uusan ku yeelan dowlada dhaxe ilaa inta deegaankiisa cadowga heysta kasoo xuraynayo. Dowlada dhaxena ay dhanka saanada ka taageerayso.
  2. Awoodaha ugu weyn oo isbedelka keena waxaa ka mid ah kacdoon shacab, dowlada dhaxe waxaa looga baahan yahay inay soo saarto siyaasado ay ku isticmaali karto awoodahaas shacabku uu leeyahay. Daacadnimo, maamul wanaagsan, hufnaan dhaqaale iyo wax qabad muuqdo oo dowlada dhaxe iyo kan maamul goboleedkaba laga helo waxay horseed u noqonaysaa kalsooni laga helo shacabka Soomaaliyeed. Shacab xun ma jiro balse maamul xunbaa keeni shacab xun. Shacabka Turkiga oo kaaraha isku dhigay kama mawaadinsana shacabkeena, balse waxaa meesha ku jira sababta keentay inuu naftiisa quuro oo ah maamul wanaag uu naftiisa ku iibsan karo ayuu ka arkay dowladiisa.
  3. Waxaa jira ganacsato iyo shaqsiyaad ganacsi ka sameeya sidii amni daro kusii ahaan lahaa wadanka, haddaba dowlada dhaxe waa inay shaqsiyaadkaas il gaar ah ku eegtaa oo cadaalada la tiigsataa. Sareeynta sharciga waxay nagu horseedaysaa in la helo amni waara oo ay ku naaloodaan shacabka Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq.

W/Q: Hassan Adan Abukar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this