Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo Kenya la galay gaadiid ismiidaamin ah iyo maleeshiyaad cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Hay’adaha amaanka Kenya waxa gudaha dalkaasi galay gaadiid raaxo iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay in ku dhawaad afar gaari nooca raaxada ah ay ku jiraan magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera.

Gaadiidkan ayaa la xaqiijiyay inay la socdan maleeshiyaad loo diyaariyay ismiidaamin iyo weerar toos ah kuwaa oo iminka la xaqiijiyay inay ku diyaarsan yihiin gudaha magaalada.

Saraakiisha Booliska Kenya waxa ay xaqiijiyeen in gaadiidkaasi ay yihiin kuwo ay horay u dhaceen Al-Shabaabka isla markaana laga bedelay taarikada si loogu weeraro xarumo muhiim ah oo aan la carabaabin.

Maleeshiyaadka la socda gaadiidka iyo kuwo kusii diyaarsan gudaha magaalada ayaa isticmaali doona ID-karo been abuur ah si ay ugu sahlanaato galiinka goobaha uu ku wajahan yahay weerarka.

Sidoo kale, Hay’adaha amaanka ayaa ciidamada faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago halista ka dhalankarta weerarada.

Ma cada sida uu xaalku noqon doono waxa ayna arrintaan kusoo beegmeysaa iyadoo maalmahaani ay dowlada Kenya direysay digniino dhanka amaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this