Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro culus oo Xamar iyo Hargeysa lala damacsan yahay oo laga war-helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa digniin kama dambeys ah usoo dirtay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka Somalia gaar ahaan Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Xeebaha Badaha ku yaalo  Soomaaliya.

Digniintaan loo diray Muwaadiniinta Ingiriiska ayaa waxaa soo saaray  Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka dalka UK.

Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda joogo Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ugu baaqay inay aad u feejignaado maadaama ay sheegtay laga maarmo inay Shabaab halkaas ka fuliyaan weeraro gaadmo ah iyo Afduub.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka UK ayaa muwaadiniinteeda joogo deegaanada Somaliland ugu baaqday inay ka fogaadaan meelaha dadweynaha ku kulmaan iyado sheegtay inay xogo dhanka ammaanka ah oo ay heleen.

Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegtay  in kooxaha ka dagaalama Soomaaliya gaar ahaan Al Shabaab ay qorsheynayaan inay weeraro qatar ah geystaan, sidoo kalana ay jirto cabsi ah in Afduub loo geysto dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan deegaanada.

Ingiriiska ayaa ku tilmaamtay labadii weerar ee ugu dambeeyey ee   Muqdisho ka dhacay inay ahaayeen kuwa halis ah isla markaasna ay jiraan xogo sheegayo in la fulin rabo weeraro cusub oo halis ku ah muwaadiniinteeda ku sugan Muqdisho.

Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska ayaa xustay inay sidoo kale heshay xogo la isku haleyn karo oo ku aadan inay Shabaab qorsheenayaan weeraro halis ah oo ay ka fuliyaan Badda Somalia iyo Biyaha Caalamiga ah sidaas darteedna loo baahan yahay inay Muwaadiniinta UK sameeyaan feejignaan weyn.

Digniintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doonayo inuu sameeyo isbadal dhanka hey’adaha Amniga ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa horey usoo saartay digniin tiro badan oo intooda badan aysan dhicin lamana ogo sida ay digniintaan uga duwanaan doonto kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this