Sign in to follow this  
Deeq A.

AL-SHABAAB oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Baar-Sanguni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar dhiig badan ku daatay ku qaaday Saldhiga ciidamada Dowlada Somalia ee deegaanka Baar Sanguuni ayaa soo bandhigay magaca iyo qabiilka mid ka mid ah raggii fuliyay Ismiidaamintii Isniintii todobaadkaan lagu qaaday Saldhiga.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarka Ismiidaaminta Saldhiga Ciidamada Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose uu kamid ahaa ragii fuliyay Xasan Macalin Cabdi Maxamed oo ku magacdheer Jaamac ama Mucaad.

Xasan Macalin Cabdi Maxamed, ayaa wuxuu ahaa nin ka mid ahaa laba ruux oo isku qarxiyay Xerada Baar Sanguuni, xilli Shabaab halkaasi ay weerar toos ah ay ku qaadeen.

Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in Xasan uu ka soo jeedo Beesha Luwaay ee degta Koonfurta Somaliya, da’diisa waxa ay aheyd 23-sano jir ka tirsanaa guutada Ismiidaaminta Al Shabaab.

Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in naftii halige Xasan uu kaxeynaayay gaariga isku qarxiyay xerada ciidanka Militariga iyo kuwa Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni.

Xasan Macalin Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay Idaacada Andulus ee Alshabaab ayaa sheegay in sababta uu isku qarxiyay ay tahay arrimo la xiriira sidii dalka iyo diinta cadowga uu isaga difaaci lahaa, sida uu ku sheegay wareysiga.

Sidoo kale, naftii halige Xasan Macalin Cabdi Maxamed, ayaa dhalinyarada ka tirsan AlShabaab ugu baaqay in inta ay ka danbeeyan aysan ka raali noqon dowlada iyo AMISOM.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa sheegtay in weerarkaasi Shabaab uga dishay inkabadan 80 Maleeshiyo, halka ay Alshabaabka ka sheegen inay dileen ilaa 27 Askari oo ku sugneyd Saldhiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this