Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaad Cali Jeelle: “Dowladda Somalia waxaa ku dhex jira xubno xogta siiya Al-Shabab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed  ayaa Waxaa uu Sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan dowlada Soomaaliya ay Al-Shabaab u fududeeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho iyo gobalada.

Siyaasiga ma sheegin magacyada Shaqsiyaad ka ka tirsan dowlada,balse waxaa uu ifiyay in ay jiraan dadka ku lug leh fududeynta qaraxyada iyo weerada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan dalka.

Sidioo kale waxaa uu tilmaamay in dadka xogta siiya Al-shabaab ay jiraan,isagoona tusaale u soo qaatay jidadka ay mararka qaar ay xirto dowlada soomaaliya,islamarkaana ay hadana dhacaan qaraxyada iyo weerarada tooska ay Al-shabaab ka fuliyaan dalka,taasi ayuu ku sheegay in ay tahay mid aad loogu xumaado.

“Argagixisada waxay nafteeda gudaha dowladda ku leedahay taageero ay xog ku heli karaan, haddii ay yihiin dad heli kara xogaha oo amniga ka mid ah iyo kuwa macluumaadka heli kara”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay sameysay dadaal badan, isla markaana la soo xiray waddooyinka, haatan ay bilaabatay in la iska wareysto sababta Al-Shabaab ku soo gudbeen oo ay qaraxyo u sameeyaan”.

Salaad Jeelle ayaa caddeeyay in dad aan ammaanka khibrad u aheyn xilal loo dhiibay, loona baahan yahay dadka khibradaha leh howsha amniga loo xilsaaro.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale waxaa uu odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay la shaqeeyeen dowlada federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay taageeran dowlada,si buu yiri looga adkaado Al-Shabaab..

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin is bedelo loogu sameynayo laamaha ammaanka, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa loo xiray saraakiil iyo askar, halka shaqooyinka laga fariisiyay saraakiil ay Taliye kuxigeeno ku jiraan.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa la filayaa in lasoo taago Maxkamad isla markaasna lagu ciqaabo wixii Maxkamadda la horkeeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this