Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W ku xigeenkii hore ee Somalia oo Hargeysa ku jooga cafis madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Raysal wasaare-xigeenkii hore ee dawladda Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi, oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland ayaa cafis Madaxweyne ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ridwaan, ayaa la sheegay inuu codsi uu ku dalbanayo saamaxaad u soo qortay xukuumadda Somaliland, taas oo la sheegay in Madaxweyne Biixi ka aqbalay. Warqad fulin saamaxaad madaxweyne ah oo uu qoray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed,  wuxuu hayadaha ammaanka ee dalka ka dalbaday inay fuliyaan islamarkaana dhaqan geliyaan saamaxadda madaxweyne Biixi u fidiyay muwaadinkan.

Ridwaan, ayaa xilkaas raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya iyo weliba wasiirka diinta iyo awqaafta wuxuu hayay 17 January 2014 – 6 February 2015,

Waa siyaasigii labaad ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee sannad gudihiisa Hargeysa ku yimaada cafis madaxweyne. Hore waxa sanadkan Hargeysa u yimid wasiirkii arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo isna soo dalbaday saamaxaad.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this