Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ay yeesheen madaxda Imaaraatka, Itoobiya iyo Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_15324418220433423.jpg?resize=600%Madaxda Imaaraatka, Itoobiya iyo EretreaMadaxda dalalka Imaaraatka, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir saddex geesooda ku yeeshay maagalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shiikh Maxamed binu Sayid dhaxal sugaha Imaaraad ayaa maanta madaxtooyada dalkaas kula kulmay Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Aferwerki, sida uu qoray wargeyska The Gulf-News ee ka soo baxa dalka Imaaraatka.

Maxamed binu Sayid ayaa sidoo kale bartiisa Twiter-ka ku soo qoray in Imaaraatku qeyb ka ahaa isoo soo dhawaan shihii Itoobiya iyo Erirea, wuxuuna intaas ku daray in ay taageeraan dadaal kasto oo nabadeed oo dunida ka socda.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa muddo 20 sano ah kadib bishii hore dib u soo celiyay xiriirkoodii diblumaasiyadeed, waxaana madaxda labada dal ay booqasho taariikhiya ku kala tageen caasimada Asmara iyo Addis Ababa.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa sanadii 1998 waxaa dhexmaray dagaal kharaar oo ay ku dhinteen kumanaan qof, kaas oo socday ilaa iyo sanadkii 2000, kadib dhexdhexaadintii sanadkii 2002, ma jirin wax xiriir ah oo ay la haayeen labada dal, waxaana isbedel ku yimid markii ra’iisul wasaare Abiy shaacisay in uu aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta laba dal.

Tan iyo markii talada Itoobiya uu la weegay Abiy Ahmed bishii April ee sanadkan wuxuu bilaabay inuu furfuro siyaasadda dalkaas oo lagu tirin jiray tan ugu adag Afrika.

PUNTLAND POST

The post Shir ay yeesheen madaxda Imaaraatka, Itoobiya iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this