Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu maanta u dhacay dilka Taliye ku-xigeenkii NISA ee Degmada Waabari?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in waxyar ka hor magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Dilka Sarkaalkan oo ka dhacay suuqa-bakaaraha gaar ahaan Boosteejada laga raaco gawaarida Dadweynaha ayaa waxaa geestay Seddex maleeshiyaad oo ku hubeysnaa bastoolado.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri, ayaa mar soo noqday Taliye ku-xigeenka NISA ee degmada Waabari, waxa uuna hadda ka tirsana Taliska NISA ee degmada Hodan.

Xiliga la dilaayay waxa uu Sarkaalka watay gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaan Prado, waxa uuna kusii jeeday xaafada Balaagsi.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegay in dilka kadib ay goobta isaga carareen dhalinyaradii Bistooladaha wadatay ee beegsatay Sarkaalka Nabadsugida katirsan.

Si Kastaba ha ahatee dhalinyarada bistooladaha la cararta ayaa dilal qorsheysan waxa ay ka fuliyaan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana arintan barbar socda howlgalo ay wadaan Ciidamada Dowladda oo lagu baadi goobao Shabaabka Muqdihso weerarada ka geysta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this