Sign in to follow this  
Cowke

Burtinle Hospital Project Begins. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

29. June 2010

 

Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa dhawanahan waxaa ka jiray Dadaalo ay wadaan Qaybaha Bulshada Degmadaasi oo ay Hormuud ka yihiin Aqoonyahanada iyo Waxgaradka kuwaas oo lagu dhisayo Cisbitaalka Guud ee Degmadaasi Burtinle.

 

Waxaa Xilligan socda Hawlo Iskaa Wax u qabsa ah oo ay Qaybaha Bulshadu uga qayb qaadanayaan Cisbitaalkaasi oo uu dhawaan Dhagax Dhigiisa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dalwada Puntland.

 

Qaybaha Bulshada ayaa si buuxda waxay u wadaaan dadaalada lagu hirgalinayo Cisbitaalkan Degmada, Waxayna qondeeyeen in ay bixiyaan inta badan Khrashaadka lagu dhisayo Cisbitaalkaasi, Waxaa Sidoo kale Dhismaha Cisbitaalkan ka qayb qaadanaya Jaaliyadaha reer Puntland ee ku dhaqan Dalka dibadiisa.

 

Degmada Burtinle oo ka Mid ah Degmooyinka Gobalka Nugaal, waxaa ku Nool Mushtamac farabadan, waxaana ku yaala Xarumo kala duwan oo bulshada loogu Adeego sida Xarumaha Waxbarashada, MCH-ka, iyo Xarumaha Dawlada oo iyaguna dhawaan qaarkod la shaqa galiyay, lakin Waxay Degmadu mudo farabadan Tabaysay goob Caafimaad oo looga baahi baxo Caafimaadka Degmada Maadaama Degmadu baaxad ahaan ay ka Waynatay Degmooyin farabadan oo Puntland ka tirsan islamarkaana ay Magaalo u tahay in ka badan 50 Tuul oo hareeraheeda ku yaala.

 

Waxaana Xilligan muuqata Dadaalka Dadweynuhu Hashan caafimaadka ugu jiro iyadoo sidoo kalana Shirkadaha Xawilaadaha laga sameeyay Accouno si lacagaha loogu talagalay Dhismaha Cisbitaalka loogu soo hagaajiyo.

 

Waa markii ugu horaysay ee qaybaha bulshada Degmada Burtinle ay Muujiyaan Dadaalka lagu dhisayo Cisbitaalka Guud ee Degmada Burtinle si looga baxo baahida Caafimaad ee Degmada oo Markii hore loo aadi jiray Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe oo Masaafo ahaan Degmada Burtinle aad uga fog.

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

xafiiska Puntland

 

burt1.jpg

 

burt.jpg

 

burt2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this