Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali u shaqeynayey Wargeys caalami ah oo lagu dhex dilay dalka Ethiopia + Warbixin

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa aad u hadal heysa weerar lagu dilay darawal Soomaali ah oo la shaqeynaayay Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency.

Marxuum Sulaymaan Axmed oo ah marxuumka la dilay ayaa da’diisa lagu sheegay 37 jir dhalay 3 carruur ah.

Wargeyska The Reporter waxa uu qoray in ay Dhallinyaro ka soo jeeda Oromadda ay  jid gooyo u dhigteen gaariga uu waday marxuumka oo ay ku dhufteen jug culus oo sababtay geeridiisa.

Darawalkan Soomaaliga ah ee u shaqeynaayay Wargeyska ayaa la sheegay in xiliga weerarka lagu dilay uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa si warbixin isaga iyo wariyayaal la socday ay uga soo diyaariyan Safarka Madaxweynaha Eriteria Issias Afwerki uu ku gaaray Addis Ababa.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda CPJ ayaa waxaa dowlada Ethiopia looga codsaday in dambiilayaasha weerarka geystay la hor keeno Caddaaladda, laguna ciqaabo dilka ay geysteen.

Weerarka lagu dilay muwaadinkaan Soomaaliga ah ee ka shaqeynaayay Wargeyska The Reporter ayaa dhacay bishan July 13-dii xili uu gaariga maraayay Degmadda Meiso ee Dowlad gobaleedka Oromadda ee Bariga Ethiopia.

Marxuum Sulaymaan Axmed waxa uu dhaawaca soo gaaray u geeriyooday bishan July 19-dii kadib markii uu galay Koomo.

Sidoo kale, wargeyska ayaa qoray in marxuumka uu Wargeyska The Reporter u shaqeynaayay muddo Shan sano ah sida lagu xusay qoraalka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa loogu baaqay inay baaran dhacdadaasi laga argagaxo, isla markaana si dhab ah loo baaro Dembiilayaashii dilay Marxuum Suleymaan Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this