Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha DFS ay amniga Muqdisho ugu wareejineyso Militeriga oo laga dhexli doono 4 dhibaato (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Somalia ayaa wada qorsho amniga Isgoosyada magaalada Muqdisho loogu wareejinayo ciidamada Militeriga.

Qorshahan oo markiisa hore ka imaaday Xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa lagu doonayaa in dhamaan Isgoosyada magaalada Muqdisho la geeyo ciidamada Militeriga qeybta 14 October.

Ciidamadan ayaa booska kala wareegi doona kuwa Xasilinta oo muddo ku dhow 5 bil gacanta ku hayay amniga magaalada Muqdisho kuwaa oo iminka laga qaaday isgoosyadii ay kaga sugnaayen magaalada.

Ciidamada Militeriga ee lagu wareejin doono Isgoosyada Muqdisho ayaa caqabad dhanka amniga u horseedi doonta, waxaana xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay ay dadku maqlayeen ciidamada xasilinta oo Hubka ka dhigaaya kuwa Militeriga.

Haddaba qorshaha lagu doonayo in amniga magaalada Muqdisho loogu wareejiyo ciidamada Militeriga ayaa waxaa ka dhalankara caqabado lid ku ah amniga kuwaa oo kala ah:

1-Isku dhacyada ciidamada Militeriga ee lagu wareejin doona isgoosyada iyo kuwa xasilinta oo kordhaya.

2-Ciidamada Militeriga oo fursada loogu gacan galshay amniga Muqdisho uga faa’iideysan doona kuwa xasilinta oo bishii ramadaanka hub ka dhigis ku sameeyay inta badan ciidamada Militeriga ee hubka ku dhex heystay Muqdisho.

3-Al-Shabaab oo fursad weyn u heli doonta in magaalada Muqdisho ay ka geystan weeraro maadaama ay heystan dareeska ciidamada la filaayo in lagu wareejiyo amniga Muqdisho.

4-Ciidamada Militeriga ee ka cabsan jiray Hub ka dhigista oo fursad u heli doona inay dib ula soo baxaan Hubkooda, maadaama amniga Muqdisho ay la wareegi doonaan.

Sharci ahaan ciidamada Militeriga ayaa loogu tallo galay inay ka shaqeeyan Gobolada iyo Xuduudaha dalka, iyadoo habdhaqankooda uusan aheyn mid munaasib ku ah magaalada.

Sidoo kale, dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta ciidamada Militeriga oo iyagu doonaya in gudaha magaalda ay ugu dhaqmaan sida Gobolada waxa ayna inta badan dilaan dhalinyarada wata Mootooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia kuma aysan fakerin dhibta ka dhalankarta in amniga isgoosyada Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Militeriga oo gabay shaqooyinkii loogu talo galay ee xoreynta Gobolada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this