Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Hub, Gaari & Lacag xoogan kala baxsaday Madaxtooyada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaaso (Caasimada Online)- War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada maamulka Puntland uu la baxsaday Hub, Gaadiid iyo Lacag aad u farabadan.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Sarkaalkan uu ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada maamulka Puntland, waxa uuna Hubka, Gaariga iyo Lacagta la goostay 22-kii bishan July.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdifataax Yamani ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa Taliyihii Ciidamada rugta laanta socotada Madaxtooyada Puntland, waxa uuna aad ugu dhawaa Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in Sarkaalkan uu qaatay gaari noociisa uu ahaa Land Cruiser, hub gaaraya ilaa 6 qori iyo 5 Bastooladood oo ay u dheertahay lacag xoogan.

Sarkaalkan ayaa Hubka, Lacagta iyo Gaariga ula baxsaday degaanka Bali Busle oo Koonfur Bari kaga beegan magalada Gaalkacyo.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka iibiyay Ganacsato kasoo jeeda degaanka Bali Busle waxa ayna xogtu tilmaameysaa inuu ku iibsaday 40 Kun oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Sidoo kale, waxaa la la’yahay Taliyaha baxsaday, Hubka iyo Lacagta, halka Gaariga oo laga soo qaaday Ganacsadaha dib loogu celshay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Geesta kale, Gaarigan lala baxsaday ayaa  lagu soo dhaweyn jiray martida u timaada madaxda Puntland, wuxuuna ka mid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo Imaaraadka Carabta uu horey ugu deeqay mamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.cim

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this