Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hub aan la ogeyn halka laga keenay oo lagu kala iibsanaayo suuqyada MUQDISHO (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta badan suuqyada magaalada Muqdisho ee Hubka lagu iibiyo ayaa waxaa lagu arkayaa Hubka noocyada fudud oo la kala iibsanaayo.

Suuqyada cirtoogte, Soobe iyo suuqa yar ee ku yaala dhabarka danbe ee dhismihii hore Wasaarada Amniga ayaa lagu arkayaa bastoolado ay ku jiraan sanaadiiq yaryar oo la kala iibsanaayo.

Dadka ugu badan ee Hubka iibsanaaya iyo kuwa laga iibinaayo aya isugu jira Askar, Dhalinyaro u shaqeysa dowlada iyo Ganacsato, waxaana lasoo warinayaa in Hubkaani ay yihiin kuwo ku cusub suuqyada magaalada Muqdisho.

Suuqyada lagu iibiyo Hubka oo ku furan sifo sharci darro ayaa halis ku ah amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xitaa maleeshiyaadka A-Shabaab ay halkaa ka iibsadan hubka ay ku fuliyaan dilalka iyo Bam gacmeedyada.

Dowlada Somalia oo u muuqata mid aan ka warqabin waxyaabaha ka socda suuqyada Hubka ayaa muddo dhowr jeer ku goodisay in magaalada ay ka uruurin doonto Hubka sharci darada ah.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ka warqabin halka uu ka imaaday Hubka lagu kala gadanaayo suuqyada Muqdisho iyo qorshooyinka laga leeyahay iibsashada Hubkaas.

QAAR KAMID AH SAWIRADA LAGA SOO QAADAY HUBKA KU CUSUB MUQDISHO

Hub-11.jpg

Hub-22.jpg

Hub-33.jpg Hub-44.jpg Hub-55.jpg Hub-66.jpg Hub-77.jpg Hub-88.jpg Hub-99.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this