Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Jahwareerka, shakiga iyo loolanka ka dhex jira hay’adda sirdoonka NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Jahwareer xooggan ayaa ka jira hay’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda Soomaaliya, oo dhowaan ku xigeenadeeda shaqada laga ceyriyey, islamarkaana shaqaalo badan shalay ceyrisay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shaki weyn uu ka dhex jiro hay’adda dhexdeeda, ayada oo taas ay dheer-tahay loolan dhanka awoodda ah oo hay’adda ka dhex socda.

Xubnihii shalay la ceyriyey hay’adda oo gaaraya illa a70 askari ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay nadiifin laga dhex wado hay’adda.

Waxaa jira warar sheegaya in xubno ka mid ah hay’adda ama laga ceyriyey looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin koxoda Al-Shabaab, ayada oo xubno badan oo hay’adda u shaqeeya ay yihiin saraakiil ama maleeshiyo hore uga tirsanaa Al-Shabaab.

Tuhunka hay’adda ka dhexjira ayaa sii xoogeystay markii dhowaan la jabsaday xafiiska taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Cabdalla Cabdalla, ayada oo warbaahinta lagu baahiyey sawirro arrintaas muujinaya.

Xubno ka tirsan hay’adda oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in dokumentiyo ay ku qoran yihiin sir aan la dooneyn inay banaanka u baxdo laga baxsaday xafiiska, ayada oo laga cabsi qabo in Cabdalla Cabdalla uu gudbiyo sirtaas

Inkasta oo aysan caddeyn wax ay tahay sirtaas, ayaa haddana la rumeysan yahay inay tahay arrimo ceebeeyn kara qaar ka mid ah xubnaha sare ee hay’adda.

Dhinaca kale waxaa jira khilaaf ka dhex oogan ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo taliyaha hay’adda Xuseen Cusmaan Xuseen, oo ku saabsan hab maamulka hay’adda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in inta badan arrimaha hay’adda uusan kala haldin taliyaha balse uu xiriir hoose oo dhow la leeyahay qaar ka mid ah xubnaha ka hooseeyaa, gaar ahaan kuwa qaabilsan gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa la sheegay in taliyaha uu marar badan kala hadlay Kheyre, ayna u dambeysay markii dhowaan hub uusan ogeyn ay Jabuuti ka keeneeyn xubno ku xiran ra’iisul wasaaraha oo hay’adda ka tirsan.

Arrimahan oo idil ayaa imanaya ayada oo bishan ay dhowr weerar oo culus ay kooxda Al-Shabaab toddobaadyo is-xiga ka fulisay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this