Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo shaqada ka erisay ciidamadii ugu badnaa & Afafka hore ee Villa Somalia oo …

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ayaa shaqada ka erisay askar dhawaan loo soo xiray tababar.

Askarta laga eryay shaqada oo maanta ku hor banaanbaxay afafka hore ee Xarunta Villa Somalia ayaa ku qeyla dhaaminaayay in dowlada Somalia ay wado u bixiso.

Askartan ayaa sheegay in lagu amray inay kabaxaan xerada loogu soo xiray tababarka isla markaana aadan guryahooda waxa ayna tilmaameen in dowlada Somalia ay naftood halis galisay.

Mid kamid ah askartaasi oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waxaanu aheyn 70 Askari ku tababartay xaalad xun waxaa nasiib darro ah inaan xiliga aan soo dhameysanay tababarka nalagu abaalmariyay shaqo ka eryin”

“Sedex bil ayaan jiifan jirnay carada waxaanu nooleyn raashiin xumo iyo dhibaato aan ugu dhabar adeegi jireen inaanu badbaadin doono dalkeena”

Askartan ayaa sheegtay in tababarka ay ku jireen ku dhawaad 7 Bil, hase yeeshee markii laga lumiyay wakhtiga lagu amray inay kala aadan guryahooda, sida ay ku sheegen wareysigooda KNN.

Sidoo kale, askartan ayaa tiradooda ku sheegtay inay ahaayen 70 askari isla markaana ujeedka ay ugu hor banaanbaxeen Villa Somalia ay tahay sida ay ku heli lahaayen xuquuqdooda maadaama ay cadaawad kala dhexeyso Al-Shabaab, isla markaana ku laaban Karin shaqooyinkooda.

Dhinaca kale, Askartan ayaa madaxda Qaranka ka dalbaday cadaalad iyo in laga qabto kuwo ay ku sheegen inay musuq ku hayaan ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this