Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay tirada ay kooxda Shabab uga dishay weerarkii Baar Sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku ekeeyay xero ay si wada jir ah u degenaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland, waxaana weerarkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah.

Waa markii sedexaad oo xaruntaasi weerar lagu qaado muddo bilo ah tan iyo intii ciidamada ay saldhig ka dhigteen halkaas.

Weerarkii saakay waxaa loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah o oculus.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah oo Jubbaland ka tirsan, Alshabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay xerada Baar Sanguuni, iyaga gubay teendhooyinkii ay ciidanka ku hoyanayeen, waxaana goobta isaga baxay askartii dowladda.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isxaaq Cali ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo ka feejignaa Al-shabaab ay halkaasi ku toogteen ilaa 87 ka tirsanaa Dagaalamayaashii weerarka soo qaaday,iyadoo sidoo kale ciidamadu ay ku raad joogaan firxadka Shabaab.

Waxa uu Wasiirka Qiray in Shabaab usuura gashay iney gudaha ugalaan qeybo kamad ah Sanguuni, wuxuuna Khasaaraha Ciidanka Dowladda soo gaaray ku sheegay dhimashada 6 Askari oo labada Qarax ku kala geeiryooday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare,iyagoo ku raad jooga firxadka Alshabaab.

Dhinaca kale, Shabaab waxey sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen 27 askari oo katirsan Ciidankii Xerada ku sugnaa, Saanad milatari oo badanna ay qaateen markii ay saldhiga la wareegeen.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this