Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo la kulmay beesha Mudullood kadib madaxweynaha iyo shaki sii kordhaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay odayaasha beesha Mudullood oo uu qado ugu sameeyey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo madaxda dowladda la qaadanayeen qeybaha dhaqanka beelaha Muqdisho, gaar ahaan beesha Abgaal oo ah tan ugu badan ee degta caasimadda.

Waxay ahayd habeen hore markii sidan oo kale madaxweynaha uu kulan la qaatay duubabka dhaqanka Beesha Mudullood, oo uu Villa Somalia ku casuumay.

Inkasta oo labada xafiis ay ku sheegeen kulmada kuwa caadi oo dowladda iyo beelaha uga hadlayeen xaaladda dalka, haddana wararka ayaa sheegaya inay taageero uga dalbadeen.

Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta aysan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ula kulmin beesha Mudullood mar qura, haddii ay isku dhinac u socdaan, oo ay u doorteen inay gooni gooni ula kulmaan.

Madaxda Soomaalida ayaa lagu yaqaan inay la kulmaan beelaha marka uu jiro loolan siyaasadeed, oo ay raadinayaan taageero. Si kastaba xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxay labadaba sheegeen inuusan jirin wax loolan ah.

Kulamadan ayaa imanaya ayada oo baraha bulshada laga hadal hayo khilaaf labada dhinac ah, inkasta oo dowladdu ay sheegtay inuusan jirin wax khilaaf ah, Caasimada Online-na ay wax caddeyn ah u weysay.

Si kastaba kulamadan ayaa un sii badinaya shakiga jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this