Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabab oo war kasoo saaray weerarkii Baar Sanguuni iyo tirada askarta ay dileen

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanguuni (Caasimadda Online) – Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale ka dhacay deegaan katirsan Jubbada Hoose.

Waxyar kadib markii la tuktay salaadda subax, waxaa ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Maleeshiyada Xarakada  Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarka duleedka magaalada Kismaayo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen 27 askari tiro kalana ku dhaawaceen ayna la wareegeen saldhig ay ciidamada dowlad ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigga ay ciidamada maamulka Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni ayna ku dileen 27 askari.

“Waxaan ku weerarnay saldhigga weerar is qarxin ah kadibna weerar toos ah ayaan ku qaadnay.”ayuu yiri Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab.

Weerarkan lagu qaaday saldhiga Bar Sanguni oo qiyaastii 51km u jira magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu weerarkan yimid kadib bishii June markii weerar ay ku qaadeen ururka Alshabaab saldhigaas.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen qaraxyo is xigxigay iyo jugta madaafiic laysku weydaarsanayay xilligii uu socday dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this