Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Micheal Keating Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda online)-Wakiilka Gaarka  ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire  Michael Keating oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socota Waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaallaha ee Soomaaliya.

Keating ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin kaalin walba oo Soomaaliya ay ku gaari karto isku filnaan.

Danjire Keating ayaa  tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay  in aysan cidna wax ka sugin.

Wakiilka ayaa hadalkaan ka jeediyay Madal ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karto baahinta dowladda wanaagga.

Michael Keating ayaa aad u ammaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya  Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta, qodobkaas oo ka hadlaya.

Xorriyatul qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.

“Soomaaliya waxaan leeyahay cidna wax ha ku sugin waxa ay rabtaba ahaatee sidda, amni, dhaqaale iyo wax kalaba Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Micheal Keating.

Dhinaca kale, dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Diinaari oo ah weriye hore iyo safiir isaga oo yiri” Waa Laga Soo Gudbay xiliyadii la dili jiray weriyeyaasha, UNkana waa inay dhaqaale ahaan taageeraan, oo weliba tababr siiyaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this