Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kaaga baxay fariinta uu diray Madaxweyne Farmaajo + Akhriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira.

Madaxweynaha oo ka hadlay kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in caqabadaha horyaalla waddankan ay ka mid yihiin kuwa amniga taasina ay tahay mid ku xiran shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marka la eego itaal darrada dawladda iyo caqabadaha taagan dartood ay aad u adag tahay in dowladu ay qabato wax waliba, hase yeeshee waxa uu qiray in amniga sugitakiisa uu yahay mid ku xiran shacabka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in shacabka ay yihiin kuwo muhiim u ah amniga,isla markaana laga doonayo in ay ciidamada kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan dad ama waxyaabo lidi ku ah amniga.

Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa waxa ay sheegen in ay aad u soo dhaweynayaan wadooyinka loo furey,waxana xusid mudan in shalay ilaa Maanta dadka Muqdisho iyo Gaadiidka intaba ay si caadi ah u isticmaalayaan Wadooyinkii markii hore ka xirnaa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu soo celiyo sharaftii uammada Soomaaliyeed si shucuubta kale ee adduunka ay ugu soo dhiiradan Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Al-Shabab inay joojiyaan dagaallada oo ay kusoo biiraan walaalahooda Soomaaliyeed. Waxa uu uga digay inaysan ka horiman karin rabitaanka 12 milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this