Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Qaraxyoku bilowday oo lagu qaaday Saldhig ay heesten ciidamada Dowlada & Gaadiid lagu gubay weerarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toosa ku qaaday Saldhiga ay  ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka deegaanka Baar Sanguuni.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa waxaana xigay dagaal toosa oo maleeshiyada Shabaab ay la galeen ciidamada.

Maleeshiyada Shabaab waxa ay sheegtay in dagaalka kadib ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Baar-sanguuni, kadib markii ay tilmaameen ciidankii halkaasi joogay qaarkood inay dileen halka qaar kalena ay u baxsadeen dhanka degaanka Buulo-guduud.

Maleeshiyada waxa ay sheegtay in dhowr gaari ay ku gubeen weerarka oo socday saacado, waxa ayna ku goodiyeen inay soo bandhigayaan sawirada.

Saraakiisha maamulka ayaa beeniyay warka Shabaab ee ah inay la wareegeen degaanka, waxa ayna tilmaamen inay ku guul dareysteen dagaalka, oo ay dib u laabteen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu jiro khasaare labada dhinac ah balse hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah, wuxuuna intaas raaciyay inay gacanta ku hayaan fariisiinka uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale, labada dhinac ayaa kala sheeganaaya khasaaro kala duwan waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gubeen Gaadiid raaxo iyo kuwo dagaal.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this