Aaliyyah Posted October 14, 2009 Qormo – Sida la cadeeyey dawooyinka Dumarku isku caddeeyaan waxa ka mid ah kuwo loogu talogalay in lagu daaweeyo xasaasiyadda iyo caabuqa nabarrada, qaar kalena ku yihiinba khatar jirka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah daawooyinkaas. Sheerli Diyana, Moofeed,Roose, Farableen, Biliij,Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo dhiiqo, Super Roser iyo qaar kaloo fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay Soomaalidu degto oo aanan ku soo koobi karin magacyadooda halkan, loona istimaalo qaybaha kala duwan ee jirka, gaar ahaanna wejiga, gacmaha, lugaha, qoorta iyo qaar la mariyo jirka oo dhan. Waxa intaa dheer bacaha lagu xiro gacmaha, lugaha iyo qaar lagu seexdo habeenkii loo gashado sida dharka oo kale. Badanaa dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay dhibaatooyin la xaadle u gaystaan caafimaadka qofka ismariya, waxana ka dhalan kara cudurro hor leh, tusaale ahaan: Waxay dilaan unugyada difaaca maqaarka Waxay raadad xunxun ku reebaan maqaarka qofka isticmaala. Waxa uu u nuglaadaa qofka istimaalaa inuu ku dhaco kansarka maqaarka. Wuxuu dhibaato u gaystaa aragtida indhaha ee qofka isticmaala Waxa aan hore u bogsan nabarrada ku dhaca jidhka qofka ismariya dawooyinkani. Waxaa ku sameeyaa maqaarka cuncun badan iyo xasaasiyad. Waxa uu ka soo saaraa jirka qofka ismariya xaad fara badan iyo diirka oo ka qubta qofkaas. Waxaa uu cimri-degdeg ku keenaa maqaarka. Waxa uu dibadda u soo saaraa xadidada dhiigga qaada. Waxay ku abuuraan maqaarka qofka ismariya, canbaar iyo finan fara badan. Waxaa kale oo ay dhibaato dhaqaale ku haysaa qofka istimaala oo hadh iyo habeen ay u noqotay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi karin, iyadoo taas ay u dheertahay dumarka in biilkooda ka mid tahay dawada la isku caddaynayaa oo dhawrkii maalmoodba maalin gaara kharashkaga baxaayo . Waxaan uga digayaa hablaheenu inay waan toobaan oo ay ka fogaadaan isticmaalka suntan (Dawo ma ahee) waayo jirka qofka isticmaalaa suntani waxaa uu jirkiisu samaynayaa ur aan fiicnayn, waxaa engagaya maqaarkiisa, waxay feenanaysaa suntani hilibka qofka iyo dheehiisa dabiiciga ah. C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl). Indhojaceel2003@hotmail.com Somaliweyn Media Center “SMC” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 14, 2009 Sheerli Diyana, Moofeed,Roose, Farableen, Biliij,Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo dhiiqo, Super Roser... Siduu u Soomaaliyeey qatar iga dheh. Gabar Afrika kusoo arkay soo xasuustay. See waxaan la isku caddeeyo iskugu bilbileysay ayee xuux u ekaatay, instead of xaaxnimo ee raadineysay. Soomaali laguma ogeyn saan, laakiin gabdhaheena wey ku faafoysaa isticmaalida bahashaan. If only they knew. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted October 14, 2009 ^^^ waraa anba waan ka casaday magac yada sida loo somaliyeeyay loool caadi ma aha classic waaye yaaqee...... Abti hada kohor aa gabartoo elevetar ila soo kortay.. "kor maa usocotaa?" ayee i dhahday "haa" qofta cadooooooooo ee aheed somali in ee tahay xitaa shaki aa iga galay quruxleey ee aheed qaab ahaan yaah lol. laakiin floor numberkeeda qofta ma taabaneysoo hee... SUBXAANALAAH waan u qaadan waaye in ee gacenteeda tahay war nin madoow in uu nagula jiro elevetarka aan u maleynaaye walaahi dhinac yada aan fiirshay lool true story.... ani is cadeen wax maka qabo bajaqdii is cadeyneeso, laakiin kor faanto hoos kooka koola waan kasoo horjeeda yaaqee naag weyn oo wijiga ka cad laakiin cirbaha iyo qoobabka ka madoow yaa fiirin karo? Wareer Badanaa!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 14, 2009 Abti hada kohor aa gabartoo elevetar ila soo kortay.. "kor maa usocotaa?" ayee i dhahday "haa" qofta cadooooooooo ee aheed somali in ee tahay xitaa shaki aa iga galay quruxleey ee aheed qaab ahaan yaah lol. laakiin floor numberkeeda qofta ma taabaneysoo hee... SUBXAANALAAH waan u qaadan waaye in ee gacenteeda tahay war nin madoow in uu nagula jiro elevetarka aan u maleynaaye walaahi dhinac yada aan fiirshay lool true story.... Taas wey dambeysaa. Kuwa iscaddeeyo nowadays sadex ama afar kale nooc kareemooyin la isku caddeeyo ismariyaan. Mid wajiga bas ah. Mid gacmaha iyo lugaha ah. Iyo mid kale jirka kale la wada marinaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted October 14, 2009 ^^^ caadi ma thid adi..sida aad ku garaneysid waxaas dhan waa ogtahay maku weydiinaayi nooh... Wareer Badanaa!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted October 14, 2009 waa gabay aad u xiiso badan oo ka hadlaya dhibata diyaanada ee dhexmaray nin farmashiiste ah iyo gabar diyaano rabto inay gadato...... Farmashiye daawada Dadku uu ka iib sadoo Aartiste door ihi Al-Islam ku daabacay Dorraad mar aan dhexjoogaa Gabar qurux daraadeed Daymada wejiga hore Daa’uus la moodaa Dalaq iigu soo tiri Salaan debecsan dabaded Dawadaas ma haysaa Ayay tiri dukaankiyo Ninka daaska gadayow Dubkeeday cawarayoo daymada jalleecada Waxaba kulama daahine Durbadiiba waxan iri Haddii aan ditoor qorin Qof kastoo dalbanayaba Degdeg ugama iibshoo Lacag daalib maahiye Doonisteeda garataye waxa ay dawaysiyo Difeetada ay leedahay Ma taqaan dawadatani Ditoor anigu maahiyo Waxa ay dawaysiyo Difeetada ay leedahay Dani igama haysoo Haddaad adigu diiddana Duul iga gadaayoo Doonaaya lacagtaan Daafaha magaalada Degdeg uga helaayaa Ayay ugu danbayntii Jawaab diirran igu tiri Dibna kalafurkeedii Ilkeheeda dabarka leh Inaan deris ahayn beri Intii aan dareemaan Dabadeed waxaan iri Dadkaas kaa gadaayaa Iyagiyo dantoodee Yaynaan taas ku daahine Horta sow dalaystii Ina Daahir maahayn? Dabcan haah ayay tiri Iyaduna docdayday Kaftan diirsimaad loo Waxay debecsan igu tiri Dadka waysu badinaye Miyaa lays dafirayaa? Daqiiqada yar gudohood Dib inta u fekerey-baan Dabaded waxan iri Dalays waa runtaayoo Ilaa dalandalkaagii Dadka waysu badinoo Diraacdii dhoweydee Duunyadu baxaysana Dhiirran dacalladeedi Waataan ka derisnaye Dubkaan kugu aqiin iyo Hadmuu diirki kaa kacay? Intay dib u dhaqaaqdoo Hadba doc iga eegtay Durbadiiba waxay tiri Caku waa danbaysaa Beledkaad dorraad timi Sowtii dad-hore-yiri Doqon iyo habeen baa Madow loogu dawgalay Dubkaan aan caddaystana Daliilkiisi waa kaas!!!!! Dahabiga afkayga ah Intii aan dibnaha furay Ayaan deeto waxan iri Gabaryahay diyaaniyo Daawooyin lagu daray iyo durunafaa baad Dushaadii marmarisoo Dubka sare caddaysoo Dayax soo baxaayiyo Cadceed dacalka dhigatiyo Waagoo dillaaciyo Daliig qaanso roobaad Dushaadii la moodyoo Dalaystaan aqiin iyo Ina daahir maahide Balmaxaa diyaanada Gabaryahay-ku-dabadhigay? Caku loonka doorsama Dubkaagi madobaa Deeq laysa siiyiyo Deyn lays amaahshiyo Diinaarka carabtiyo Doollar laguma helayee Alla dahabsanaayaa!!!! Iblays baase kugu diray Oo doori kugu yiri Raggaa kaaga didayee Dabcigiyo wanaaggii Daayin kuu sameeyiyo Dubkii uu Ilaahay kuu doortay adigaba Haddaad diiddey oo tiri Mid kaloo ka doorroon Ayaan doonanaayaa Diintaadan baranoo Waa kuu damiin-nimo Haddaad calafka doontoo Xoog ku daalibaysiyo Dubkoo layska qaadana Horaa loo diyaarshoo Dadaal laguma gaaree Waa kuu damiir xumo Caku ways dullaysaye Adigiyo duqaagii Arooskiinna dabaded Dadku idinka kala tegey Deriskiyo xigaalkuna Laguu daayey hawshii Dabka yaa bal kuu shidi? Waxa kaaga sii daran Daafaha magaalada Dan haddaad ka leedahay Qorraxduna dab ay tahay Duqu gaari malahoo Danyar reerku weeye Ayaa duhurki kuu socon? Waxaa kaaga sii daran Haddaad ruux`dagaashaan Dakharkii ku gaaraa Dedgdeg uma bogsanayee Xaggeed daawo uga heli? Waxaa kaaga sii daran Wejigii dawaeysoo Majihii ka deysaaye Dubkaagoo ah kalakaan Qaybina daruur tahay Inta kalena dugul tahay Dadku inay arkaayaan Ma dafiri karaysaa? Waxa kaaga sii daran Dubka dhabanku weligii Dayax soo baxaayiyo Daruur haw ekaadee Dibnahaaga madwgii Waakaa ku daahane Dadku yuu la yaabine Maxaan kaga ****olnaa? Waxa kaaga sii daran Dedgdeg midu u geeyoo Isaguna difeetada Dib ka qoomameeyiyo Damanaha ma sheegine Haddii aan dadnimadiyo Dabcigiyo aqoontiyo Loo bogin duntaadii Dubka walalacdiisaas Raggu dooni maayoo Horaa looga soo digey Anna waa ku sii daray Waxa kaaga sii daran Docda reerka xididka ah Iyadoo laguu diray Oo halkay degaanniin Aan durunafaa iyo Daawooyin lagahelin Diyaanadi ad sidatana Kaa dabargo’ ay tahay Dadka waxad dhexjoogtoo Waa dahab la mooddi Danabkeennu guursdey Duqdu ay tiraahdaba Toddobaadyo dabadood Dubkaagii wacnaa iyo Inay daamakaagii U ekaa daruuruhu Dogoba yeelanaayaan Deriskuna dhehaayaan Furuqi la dabarjaray Miyaa dunida soo galay Daawaan is mariyana Dibnaha aadan marin Karin Maygu diiddan tahay taas? Waxaa kaaga sii daran Midabkoo la doorshaa Diinta kuma bannaanee Haddii adan danbowdaye Degdeg toobad soo celin Inuu daayin Eebbuhu Kaa daayo mooyee Naftu waa dabayloo Mar ay duuli ma ogine dabka naarta aakhiro Maw dulqaadanaysaa? Illeyn dhagax dixeed iyo Nin dundumo u qayshadey Isagays-ka daalaye Dalays wanadaydii Qalbigeeda kuma duxin Anna waan ka dabaharay Illeyn diiddey taladee In aan kula dagaalona Qori mayso diintuye Dadweynow dhammaantiin Intaasoo difeeta ah Iyo qaar kasii daran haddii ay dubkoodii Dawadani u leedahay Oo dumarka qaarki Iyo wiilal diinyari Shaydaan u duufsaday Dusha inay marmariyaan Weli door bidaayaan Bal maxaa diyaanada iyo durinafaadiyo Daawooyin jaankaan Dusha lagu caddeeyaba Ubadkeenna dabadhigay? Waynaan dareemine Xayaysiin daraadeed Miyay dollar lacageed Dalalkii sameeyiyo Dibadaha ka qaataan? Culumaa-u’-diinkiyo Dadka waalidkaa iyo Duqowdiyo wax`garadkiyo Aqoonyahan digriiliyo Abwaannadii dalkaygiyo Qof kastoo damiirlow Sidii gabar la doonoo Xidid-keed u dadab galay Haddii wiilki dibad jirey Dhegihii dalooshaday Timihiina loo dabay Dalka gabadhi joogtana Daawooyin marisoo Dubkeedii beddelan yahay Darxumiyo iyo ceeb iyo Dhaqan dooris weeyee Dibadda iyo gudahaba Ubadkeennan doorsamay Mayska daawanaynaa? Diyaanadiyo Riikada Iyo Durunafaadiyo Daawooyin kale oo Dubka lagu beddelayaba Ganacsade dabbaalaa Dibadaha ka keenee Markii dawlad loo helo Halla dabagalaan iri Dareenkayga saan qabo Haddii dunida oo idil Laga waayo dumar kale Gabar durunaafaa iyo Daawooyin marisoo Dubka sare caddaysoo Inta dibadda loo diray Berked dalaq ku soo tiri Ragow yaanay idin dagin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted October 14, 2009 waraa sidoo kale waxaan maqlay dumarka marsada dabka ma galaan oo waa gubanayan sidii baasiin. Marka kii guursada ku dhib qaba qof aan dabka gali karin. Wa adoo bombale guursaday camal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted October 14, 2009 The use of bleaching creams or skin lightening products can cause skin pigmentation variation, premature aging, skin cancer, and other skin diseases. They can also promote the inability of skin to defend germ infection. In addition to this, using skin lightening products as a form of adornment may be considered haram waayo abuurista Allah in aad wax ka badashi ma aha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chocolate and Honey Posted October 14, 2009 Let people do what they want. If you want to peel off your skin because you hate it so much. Go ahead. I hate people who preach day and night about the risk. Seriously, dont you think they know it? BTW, I noticed long time ago that the people who are obsessed with lightskiness are the light skinned people. It is as if they feel they'll lose this "privilage" if they dont maintain it or outdo former dark skinned people, lol! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted October 14, 2009 ^Honestly, I don't think majority of the girls who abuse these creams/medicines know their(creams) risk factors and to educated them isn't a crime methinks. It's a social issue that has a lot to do with how our people see and rate beauty and some girls succumb to the that pressure. So sister, be part of the solution and educate the youngsters about these kinds of social issues they are facing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Indhoos Posted October 14, 2009 Unless you know the person very well it is not easy to aproach such topic. What I noticed is that when these ladies walk into a store to buy such products they normally claim that they are purchasing them for a friend and are not users themselves, despite the evidence on her lips, eye sockets and the creases of her fingers. Walaahi waxaa arkay like Choco mentioned, gabdho aad u middab qurxanaa oo haddana wajigooda uu sambab u ekaaday see marba wax u marinaayeen, kaaga darane way kusii wadaan...Laa xawla walaa quwata. PS. I think the above gabay should be shortened and included in the product boxes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted October 14, 2009 Originally posted by Gheelle.T: ^Honestly, I don't think majority of the girls who abuse these creams/medicines know their(creams) risk factors and to educated them isn't a crime methinks. It's a social issue that has a lot to do with how our people see and rate beauty and some girls succumb to the that pressure. So sister, be part of the solution and educate the youngsters about these kinds of social issues they are facing. Well said!!!!!!!!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted October 15, 2009 Ahhh my fav. saying 'cadaan waayahaan looma dhashee waala gataa'...Ayi nooc ee meeshaan buuxaan, ilaa qaarkood aad moodo in skin ka hoostiisa dirxi cagaar ah uga socdo! Akhas caleek!!! Not too long ago, I had some minor breakouts due to fluctuating hormones toward the end of my first trimester...A friend bought this cream for me to use, and her exact words were 'kareemkaan isticmaal haduu soo baxay, not only inee wajiga kuu nadiifineyso, skinkaagana ukun camal " " eey u ekeeysiinee'...Mind you, I am naturally a light skinned person...I didn't say anything, took the cream home and read the instruction sheet in the box...Let's just say by the time I finished reading the product info and its side effects (specially the part about if you're pregnant or trying to get pregnant), tartiibleen ugu celiyay boxkuu kuyimid, candhuufteeyna gadaalaan ulaqay... Often women who use these products don't know anything about them...They use them cuz heblaayo aa u keentay, heblaayaa ku cadaatay, or haduu soo baxay...Worst of it all, they mix multiple skin lightening products to get maximum results... Ani magacyo aan u kala bax saday: X-ray, Calibeesteen, Gacanteed Maciisho, Lacagteed Ka Nuurto, bas bas aan dhaafo gabdhaha walaaleheey ah... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 15, 2009 Waaka naxay markaan arkay Fartuun Birimo markee saan iska dhigtay. Ma'ogi waxa ku watay, oo markeedii horeba qof madoow ma ahayn. You can hardly recognize her, maskiinta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted October 15, 2009 ^ Micheal jackson in the making! Quote Share this post Link to post Share on other sites