Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday markab hub u siday ciidamada DF iyo Amisom

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Markab ayaa waxaa saarnaa saanad u badan hub ka kooban dhowr nooc, agabka ciidamada iyo waxyaabio kale, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka. Warar aanu ka helnay dadka deagaanka ayaa sheegaya in illaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabaab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi iyo haddii khasaare uu soo gaaray.

Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan, oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale oo kooxda ay fuliso,m ayada oo horey inta badan weeraro dhinaca dhulka ah ula beegsan jirtay ciidamada dowladda iyo Amisom.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this