Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Somalia oo hal sabab darteed u xiratay waddo aad muhiim u ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan ciidamada amaanka maanta laga qaaday isgoosyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka soo baxaaya in Madaxtooyada Somalia ay xirtay wadooyin hor leh.

Madaxtooyada Somalia oo asbuucii hore lagu qaaday weerar ismiidaamin iyo mid toosa ayaa dhagxaan waaweyn ku jartay wadada kasoo baxda Xamarweyne ee soo aada dhismaha Hooyooyinka.

Ciidamada Madaxtooyada Somalia qeybta Koofi casta oo adeegsanaaya gaadiidka waaweyn ee dhagxaanta lagu qaado ayaa jaray wadadaasi oo muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Gaadiidka raaxada iyo Mooto bajaajyada isticmaali jiray wadada la jaray ayaa u wareegay waddooyinka kale ee ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia taa oo sii kordhisay ciriirigii ka jiray wadooyinka.

Madaxtooyada Somalia oo ku taala meel muhiim ah ayaa u muuqata mid ku taameysa inay sii goosato wadooyin hor leh waxa ayna taasi caqabad hor leh ku noqoneysaa shacabka Muqdisho.

Cabsi xoogan ayaa ka jirta Madaxtooyada Somalia waxaana jarista wadooyinka cusub lagu sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay qorsheyneyso weeraro hor leh.

Ma cada xiliga ay magaalada Muqdisho ka xuroobeyso xiritaanka wadooyinka muhiimka ah oo noqoneysa mid sharci looga dhigaayo shacabka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this