Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Axmed Iimaan Cali?- Ninka ay Mareykanka sida aadka ah u doonayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa $3 Milyan oo doollar dul dhigtay Madaxa Axmed Iman Cali, oo ka tirsan Al-Shabaab gaar ahaan qeybta dalka Kenya, una qaabilsan weerarada ka dhaca dalkaas,.

Axmed waxa uu Mareykanka ku sheegay in uu yahay hoggaamiyaha garabka Al-Hijra ee Al-Shabaab kana dagaallama dalka Kenya iyo xuduuda Soomaaliya, uuna ku lug lahaa weeraro badan oo ka dhan ahaa shacabka iyo ciidamada Kenya.

Axmed ayaa tan sanaddii 2012 ayaa ahaa hogaamiyaha Al-Shabaab ee dalka Kenya, waxaana si aad ah loogu xusuustaa weerarkii ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-Cadde oo lagu dilay in ka badan 180 askari oo Kenyan ah.

Ahmed-Iman.jpgSirdoonka dalka Mareykanka ayaa horay u beeniyay in Axmed uu ka goostay Al-Hijra una baxsaday dhinaca Soomaaliya, balse waxa ay xaqiijiyeen wali inuu ka tirsan yahay.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa baahiyay warka ah in uu Axmed ka goostay Al-Shabaab, waxaana sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in uu wali yahay hoggaamiyaha Al-Hijra.

Ciidamada u dagaallama Al Hijra inta ugu badan waa Kenyaan sida uu sheegay Mareykanka, waxaana ku jira Ajaanib kale oo dalalka Afrika ka tirsan, kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka.

Mareykanka ayaa garabkan Al- Hijra ku daray liiska Ururrada argagixisada ee Caalamiga ah, waxaana ay hoggaankooda sheegeen in qofkii soo sheega la siinayo $3Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this