Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Ninkii Daacish u qaabilsanaa duubista muuqaallada iyo qaraxyada oo Maxkamad lasoo taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii  uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013  ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada afo’e ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad  ee ciidamada qalabka sida G/sare xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac  Xuseen Xasan  jiritaanka dambiyada ay soo  jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa

17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha  weydiisteen in  loo ogolaado Maxkamadda  in  ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa  eedeysanah,  markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee  degmada afgo’e  ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah  oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Sharaxaadda  baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle Abuukar weli  oo ka tirsan ciidamada  amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay gobalka  Bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qlabka sida  ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh  oo ah muuqaallo  laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha  Kaptan   Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday  maxkmadda maadamaa eedeysanaha  muddo uu ku qanacsanaa daadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay  ay ku fuliso maxkamddda.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare  Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.

Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay ay u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.

Guddoomiyaha  Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda,  waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.

21-2.jpg 14.jpeg 13-6.jpg 9-9.jpg 8.jpeg 7.jpeg 6-25.jpg 5-39.jpg 4-54.jpg 3-62.jpg 1.jpeg 2-70.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this