Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kasoo baxay Arrimaha Xajka Sanadkan iyo heshiis dan ugu jirto shacabka oo la gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War cusub oo ku saabsan arrinta xajka ayaa soo baxay taasoo farxad gelin doonto dhammaan dadkii sanadkaan rabay inay xajiyeen kuwaas oo ku jiray xaalad hubanti la’aan ah.

Waxaa gababao ku dhow Dagaalkii ka dhashay xajka sanadkan kadib markii dowladda Somalia iyo Ganacsade ahna xildhibaan Siciid Nuur Giriish ay isku qabteen leynka xajka, taasoo keentay hubanti la’aan ku saabsan xajkii Soomaalida ee sanadkan inuu baaqdo.

Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Sacuudiga ayaa wadahadal la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen qorshihii xukuumadda ee ahaa inay iyadu maamusho xajka oo ay kala wareegtay shirkadii Jubba Airways oo uu lahaa Ganacsade Siciid Nuur Giriish.

Dowladda Sacuudiga ayaa dalbatay in qoraal rasmi ah uu soo diro Ra’iisal wasaaraha, iyadoo la soo xiriiray Xasan Cali Kheyre, waxayna u caddeeyeen inay ku wareereen qoraallada faraha badan ee uga yimid wasaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Waxaa rajo beel ku dhacday Shirkadaha Diyaaradaha ee Freedom Airline, Ocean Airlines iyo East Africa kuwaas oo rabay inay ka qeyb qaataan daabulka Xujeyda sanadkan, kadib markii ay u suurageli weyday inay buuxiyeen dhammaan shuruudihii laga rabay diyaaradaha xujeyda geeya Sacuudiga.

Jubba Airways ayaa qaaday Baasabooradii xujeyda si ay fiisooyin loogu soo saaro, waxaana lagu wadaa inay dhowaan shirkadda Daallo ay iyaduna qaado Baasaboorada, waxayna sanadkan u muuqataa inay labadaasi shirkadood ku ekaan doonto qaadista xujeyda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadka dambe rajo ka qabta inay gebi ahaan la wareegto arrimaha xajka, waxaan dagaalkii xajka ee dowladda iyo xildhibaan Siciid Nuur Giriish sanadkan ku dhammaadaya iyadoo ay guushu raacday Ganacsadaha, balse uu noqon doono sanadkii ugu danbeeyay ee macaashka uu ka heli jiray muddo 20 sano ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dadaal dheer ku bixisay sidii ay ula wareegi laheyd Xajka waxaana arrintaas ka dhalatay muran badan oo keenay in xilkii laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Waxay hadda u muuqataa inay howsha soo dhamaatay isla markaasna ay Soomaalida sanadkaan u suurtageli doonto inay aadaan xajka kadib maalmo badan oo la murugeysnaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this