Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic ka socoto Takuraq iyo labada Maamul oo ciidamadii ugu badnaa geeyey halkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Takuraq (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan.

Weli mararka qaar waxaa halkaas laga maqlayaa daryanka madaafiicda iyo qoryaha culculus oo ay labada dhinac is  dhaafsanayaan

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Hal Askari oo ka tirsanaan ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Madaafiicda ka dhacday degaanka Tukaraq.

Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ayaanan weli loo helin wax xal ah,waxaana madaxda labada maamul ay Warbaahinta isku-marsiinayaan hadal sii huriyey colaada Tukaraq.

Labadda maamul ayaa wali waxa ay ciidamo kusoo daad guureynayaan degaanka Tukaraq , waxaana sidoo kale jira baaqyo ay wali dirayaan waxgaradka labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa u muuqda in ay si buuxda ugu guuldareysteen joojinta dagaalka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this