Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: ETHIOPIA oo qorshe CAJIIB ah ka dhex wadda ERITREA iyo Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu wado qorsho uu wadahadal uga dhex abuurayo dowladaha Eritrea iyo Somalia.

Qorshahaani wadahadalka ayaa la soo warinayaa inuu aqbalay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afewerki oo dhawaanahaani booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wadahadalka ayaa waxaa lasii qorsheynayaa inay garwadeen ka noqon doonto dowlada Ethiopia oo uu matali doono Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Dowladaha Eritrea iyo Somalia ayaa waxaa muddo fog ka dhexeeyay khilaaf Siyaasadeed ku saleysnaa taageerida dhinacyada mucaaradka Somalia, waxaana la saadalinayaa in khilaafka labada dhinac uu meesha ka bixi doono.

Sidoo kale dowlada Somalia oo xiriir dhow uu kala dhexeeyo dowlada Qadar oo siyaasad ahaan ay isku dhacsan yihiin dowladaha Eritrea ayaa laga cabsi qabaa inay caqabad ku noqoto wadahadalka.

Lama oga xiliga iyo ayaanka uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed ku dhaqaaqi doono wadahadalsiinta labada dal oo aan iminka siyaasad ahaan isku fiicneen.

Dhinaca kale, si dhab ah looma  saadaalinkaro sida uu kusoo laaban karo wadahadalka dowladaha Eritrea iyo Somalia walow ay suuragal tahay in Ethiopia ay xal u hesho khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Addis ababa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this