Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin sababta Alshabab u suurto galisay qabsashada tuulada Af-urur.

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabasho la xiriirta mushahaar iyo xuquuq kale ayaa sida la sheegay sabab u ahayd kooxda Alshabab inay si nabadgalyo ah saaka ula wareegto tuulada Af urur ka dib markey xalay soo baneeyeen halkaas ciidamo ka tirsan dowladda Puntland sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTlAND POST qaar ka mid ah saraakiisha ciidankaasi..
 
“Ciidanka saldhigaas soo baneeyay wuxuu qabey cabasho ku saabsan mushahaar bil dhaaf ah iyo arrimo kale oo ku saabsan hoos u dhig tiro ka mid ah ciidanka oo ay dowladdu uga jartey mushahaarooyin” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan ciidamada buuraha Galgala oo telefonka kula hadlay PUNTLAND POST.
 
Dhinaca kale warbixin kasoo baxdey kooxda Alshabab waxaa lagu sheegay inay saaka si nabadgalyo ah ula wareegeen tuuladda Af-urur oo ka mid ah deegaanada saldhigyo waaweyn oo ciidan ay ku lahayd dowladda Puntland.
 
Maaha markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Puntland ay ku dhaqaaqaan falal ku saabsan arrimo gadood ah.
Bosaso
PUNTLAND POST

The post Faahfaahin sababta Alshabab u suurto galisay qabsashada tuulada Af-urur. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this