Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso Cirro: Muse Biixi wuxuu naga qariyey arirn ku saabsan shirka Brussels

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Somaliland, shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale.

Waxaa uu sheegay guddoomiye Ciro in shirkii ka dhacay magaalada Brussels ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka socotay Somaliland, islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay Xisbiga Kulmiye ee haatan haya talada Somaliland.

“Muuse waa naga qariyey inuu wafti u diray shirka Brussels, oo ay uga qeyb-galeen Faysal iyo Cali Khaliif” ayuu yiri Cirro.

Dhinaca kale, waxaa uu  dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in Somaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan ah, balse sheegay in mas’uuliyadiisa ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye .

“Waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya in Somaliland maqaamkeedu hoos u sii socda” ayuu yiri Cirro.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan hawada Somaliland, isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowlada ay ku sugan yihii magaalada Hargeysa.

Hoos ka dhageyso Codka Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/codka-galabta-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this