Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad ku taal Kenya oo haweeney caan ah ku riday xukun yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya Maxkamada Milimani ayaa xukun ku riday habeeney la sheegay inay qaaday quruxda hablaha Kenya.

Maxkamada Milimani ayaa sheegtay in habeeneydaasi oo lagu magacaabo Ruth Kamande lagu helay kiis dil oo horay ay u geesatay kadib markii ay mindi ku dishay wiil ay haasawinayeen.

Maxkamada Milimani ayaa Ruth Kamande ku xukuntay in lagu dilo ceeji, waxa ayna qiratay in wiilkaasi ay dishay sanadii 2015-kii.

Ruth Kamande oo laba sano ku xirneyd gaal shiraha Lang’ata ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu fuliyo xukunka.

Gabadhaan ayaa qiratay in ay dilka geysatay balse waxaa ay sheegtay in wiilkaan oo qabay caabuqa cudurka HIV AIDS-ka uu isku dayay in uu kufsado deetana ay midi ku dishay.

Garsooraha maxkamada Milimani ee magalada nairobi Jessie Lesiit ayaa ku xukuntay in Ms kamande ceeji lagu dilo.

Waxaa ay ku catowday in maxkamada ay cafiso balse garsoorka ayaa tilmaamay in uusan jirin xukun kale oo lagu badali karo in la ceejiyo.

eedeysanahan ayaa heysata laba todobaad si ay u codsato racfaan ay ka qaadato xukunkan

Dhinaca kale, su,aasha isweydiinta leh ayaa waxaa ay tahay in kenya aysan laheyn ruux ceeji ku dila dadka lagu xukumo in ay geysteen danbiyada dilka ku saleysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this