Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Somaliland oo war kasoo saartay kulankii Faysal Cali iyo Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Intii lagu guda jirey shirkii ka socday magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa waxaa kulan wada qaatey madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Eng. Feysal Cali Waraabe.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa kulankaas dhaliilay, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid sharci-darro ah, islamarkaana aan u dhameyn madaxda Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cartan, oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xukumaddii madaxweyne Siilaanyo ay horey u soo saartay qodob mamnuucayey in aan laga qeyb galin kulamada madaxda Soomaalida, islamarkaana aanan lala kulmi karin.

Waxa uu sheegay in qodobkaas kaliya u shaacinayey in madaxda xilligaas Somaliland maamuleysa kaliya ay kulamada ka qeyb geli karaan, laakin Feysal Cali Waraabe aysan jirin cid uu ku metelayey shirkii Brussels.

Madaxda sare ee Somaliland ayuu ugu baaqay in ay jawaab ka bixiyaan kulankii Feysal Cali Waraabe uu la qaatey madaxweyne Farmaajo iyo tegitaankii shirkii magaalada Brussels.

Kulankii dhexmarey madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Feysal Cali Waraabe ayaa intiisa badan waxa ay uga hadleen xiisada deegaanka Tukaraq oo ay ciidamadooda isku-horfadhiyaan ciidamada Puntland.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Siciid Cartan

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Xildhibaan-Siciid-Cartan.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this