Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland:- Al-shabaab oo la wareegay tuulada Af-rurur

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_15320849930301965.jpg?resize=600%Tuulada Af-ururAl-shabaab ayaa la wareegay tuulada Af-rurur oo koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa shaacisay in saaka ay si nabad ah kula weegeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari, oo horey fariin u ahayd ciidamo ka tirsan Puntland.

Ciidamadii Puntland ee ku sugnaa tuulada Af-urur oo kaabiga ku haysa buuraleyda Galgala ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay shalay galinkii danbe halkaas ka baxeen, kadib gadood ka dhashay mushaar la’aan, oo mudooyinkiii dambe ay ciidamadu aad uga cabanayeen.

Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin qabsashada A-shabaab ee tuulada Af-urur iyo ka bixitaanka ciidankooda.

Al-shabaab ayaa sanadkii hore weerar gaadmo ah oo khasaare badan dhaliyay ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku la haayeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari.

Qabsashada Af-urur ee Al-shabaab ayaa ku soo aadaysa iyadoo Puntland dagaal kaga furan yahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

PHNTLAND POST

The post Puntland:- Al-shabaab oo la wareegay tuulada Af-rurur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this