Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaabka la wareegay Af-Urur oo billaabay falal aan la mahdin (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegtay deegaanka Af Urur oo u dhow Buuraha Galgala.

Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay halkaa ku xirxireen qaar kamid ah dadka deegan oo la sheegay in markii hore ay caawin jireen ciidamad maamulka ee kabaxay deegaanka Af urur.

Maleeshiyaadka oo wali ku sugan deegaanka ayaa lasoo sheegayaa in xoolo iyo gaadiid ay ka furteen dadka deegaan oo amaankooda ay gacanta ku hayeen ciidamada ka baxay deegaanka.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka la wareegay deegaanka ay kor u dhaafayaan Sodon maleeshiyo, wallow markii danbe ay kusoo biiren maleeshiyaad gurmad ah.

Waxa uu tilmaamay inay xireen dhalinyaro badan oo ay ku sheegen adeegayaal la shaqeeya maamulka iyo ciidamada ka baxay deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada maamulka oo rogaal celis ah ayaa sidoo kale ku sugan deegaan aan sidaa uga sii fogeyn Af urur, waxa uuna qorshahoodu yahay in maleeshiyaadka ay mar kale kala wareegan deeganka.

Sidoo kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa isaga baxay Af urur kuwaa oo cabsi ka qaba in ciidamada maamulka iyo Al-Shabaab ku dagaalamaan deegaanka oo hadda ku jira gacanta Shabaab.

Docda kale, waxaa aad looga cabsi qabaa in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhibaato weyn u geystaan dadka deegaanka oo aad u cabsi qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this