Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur diimeed cusub oo ka shaqeeya Somalia oo lagu daray liiska argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in liiska argagixisada lagu  daro kooxda Jamaactu Al Hijra oo la sheegay inay ka howlgalaan wadamada Somalia iyo Kenya.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Kooxdani ay xiriir toosa la leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo sanadii 2008 lagu aasaasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay tahay laanta Al Shabaab ee Kenya.

Sida bayaanka lagu sheegay Kooxda Jamaactu Al Hijra waxa ay gacan ka geystaan askareynta Maleeshiyaadka Al Shabaab ku biiraya,waxaana ay fududeysay in xubnaheedu ay si sahlan ugu socdalaan Somalia si ay ugu qeyb qaatan falal argogixisanimo.

Sidoo kale, talaabadan cusub ee Mareykanku qatay ayaa ujeedka ka dambeysa waxa ay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.

Geesta kale, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeysay 2016 ku dhiiraday inay sameeyan qeybo badan oo kamid ah Ururka balse ku shaqeeya qaabab qarsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this