Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegtay deegaan hoostada magaalada Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay faarujiyeen dhufeysyada ay ku lahaayen deeganka Af urur ee dhanka Koofureed kaga toosan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in deegaankaasi ay ka gurteen dhamaan wixii agabkooda ah, iyaga oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah oo ay uga baxeen dhufeysyada.

Bixitaanka ciidamada kadib waxaa si buuxda deegaanka ula wareegay maleeshiyada Al-Shabaab oo markii hore ku dhuumaaleysanaayay deegaano ku dhawaa af urur.

Maleeshiyada oo watay Hub iyo gaadiid dagaal ayaa iminka degay deegaanka waxa ayna halkaa ka sameysteen fariisimo hor leh oo ay ka difaacdan deegaanka.

Maleeshiyada ayaa deegaanka kula wareegtay dagaal la’aan waxaana iminka halkaa ka socda barakaca dadka deegaanka oo iyagu ka cabsi qaba in ciidamada maamulka ay soo qaadan dagaal.

Geesta kale, maamulka Puntland ayaan wali ka hadal sababta ay ciidamadooda uga baxeen deegaanka, waxaana xusid mudan in maleeshiyadu ay wadaan baaritan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this