Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALIA: Barakac socda xilli Al-Shabaab ay xoog ku wadanayaan caruurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadalle (Caasimada Online) – Sida laga soo xiganayo Halbeeg News oo ay sameyso waaxda saxaafadda Amison u qaabilsan ayaa lagu sheegay dagaalyahanno Al-Shabab aad u hubeysan  in ay dagaal la galee dadka deegaanka kuwaas oo dhawaan gaashaanka u duruuray amar ay kooxdu carruur uga qoraneysay degmada Cadalle.

Waxaa lagu soo warramayaa in Al-Shabab ay ku amartay dadka waa weyn, waalida iyo bulshada kale ee baadiyaha in ay boqaal carruur ah oo ay askar u qortaan keenaan. Arintaas waxa ay dhalisay iska horimaad u dhexeeya maaleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Guulanne iyo Kadare.

Qof ka tirsan deegaanka oo ku hadlay xaalad colaadeed ayaa sheegay in Al-Shabaab barakiciyeen boqolaal deegaanka kuwaas oo ka dhaga adeegay in ay is dhiiban oo ay carruurtooda u dagaalamaan kooxda.

“Dad badan ayaa ka qaxay guryohooda kaddib markii ay Al-shabaab ol’ole xoog ah ku bilowday qorashada carruurta. Waxaan ugu baaqeynaa dowladda in ay soo faragaliso,” ayuu yiri isaga oo ku daray in waalid badan iyo carruur lagu soo warramay inay ka qaxeen guryohoda iyaga oo ka cabsanayo in xoog lagu askariyeeyo.

Tallaabadan ayaa imaneysa bilo kaddib markii ay hay’adda Human Rights Watch ay warisay in kooxdu ay bartilmaameysanneyso carruurta.

“Ol’oalaha aan jixin jixaha lahayn ayey Al-shabaab carruurta kaga qaadaneysaa baadiyaha iyaga oo la jooga waalidkood si ay ugu shaqeeyaan mileshiyaadka hubeysan,” waxaa sidaas yiri Laetitia Bader, oo ah cilmaare xeeldheer ka tirsan Human Rights Watch sida lagu siidaayey warbixin la daabacay bishii Janaayo.

“Si ay xaaladdas waxashnimo uga cararaan, carruur badan ayaa ka qaxay dusiyada iyo guryagooda, ayey ku dartay.

Tobankii sano ee u dambeeyey Al-Shabaab waxa ay qoratay kumanaan carruur ah kuwaas oo la tababaray laguna biiriyey jiido kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this