Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xafiiska taliye ku xigeenki hore ee NISA oo la jabsaday (Yaa u dhacay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda oo uu hogaaminayay kusimaha taliyaha NISA Cabdullaahi Adan Kulane Ayaa maanta Jabsaday xafiiska taliye ku xigeenka nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Cabdalla Cabdalla.

Ciidamada NISA ayaa la sheegay in ay jabiyeen albaabada xafiiska taliye kuxigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaala xarunta taliska NISA ee Habar Khadiijo

Saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda ayaa Jamhuuriyada Online u xaqiijiyay in ciidamada ay sidoo kale burburiyeen qalabkii xafiiska oo ay kujireen Kumbiyuutarro ay ku keedsanaayeen xogo muhiim ah.

Kusimaha taliyaha NISA Cabdullahi Kulane oo ay qaraabo dhowyihiin madaxweynaha Somalia Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in xafiiska uu kala baxay dukumintiyo muhiim ah oo ay ku jireen xogaha kooxda Al-Shabaab kuwaas oo uu si qaas ah u haayay taliye kuxigeenka NISA Cabdalla Cabdalla.

Tallabada uu qaaday Kulane ayaa imaaneysa xilli shalay uun loo magacaabay xilka kusimaha taliyaha NISA oo uusan aqoon u lahayn balse uu ka dambeeyay in xilkaas loo magacaabo madaxweyne Farmaajo oo ay qaraabo dhow yihiin sida ay sheegeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka.

Qaar kamid ah saraakiisha NISA ayaaa aad u dhaliilay qaabka kusimaha taliyaha loogu magacaabay shaqsi aanan lahayn wax aqoon ciidan ah kana yimaaday qurbaha xilli ay joogaan saraakiil waayo arag ah aqoon buuxdana u leh shaqadaas muddo dheerna usoo halgamay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii uu taliyaha NISA warqad uusoo saaray shaqada uga joojiyay taliye kuxigeenadii hay’adda ee kala ahaa Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Cabdalla Cabdalla.

DifV56qWAAA2nO8-1024x1024.jpgDifV56qWkAUtiAa-1024x1024.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this