Deeq A.

Xafiiskii Taliye ku-xigeenka koowaad ee heyadda NISA oo la jabsaday (Daawo Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Taliye ku-xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Max’ed ayaa la sheegay in la jabsaday, iyadoo arrintana ay ku soo beegantay xili khilaaf ba’an uu ka dhex aloosan yahay masuuliyiinta heyaddaas.

Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey qalabkii Xafiiska iyo aqabkii yiilay, iyadoo dokumentiyadii ku jiray qaarkood la qaatay kuwo kalena xafiiskiisa dhexdiisa lagu daadiyey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo dalka ka maqan.

Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan ayaa waxaa loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid taariikhda Hay’adda ku cusub.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen uu maalmo ka hor shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku-xigeen ka dib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhax galay.

Qoraal uu Isniintii ah soo soo saaray Xafiiska agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga joojiyay ku-xigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.
tali-1.jpg

tali-2.jpg

tali-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Let me guess what the burglars took. They found a long list of informer names and pictures? As a result, many patriots helping NISA defeat Alshabab will be targeted by the terrorists. This is a very unfortunate situation.

The chaos continues. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.