Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan Shabaab oo afduubtay guddoomiyeyaal degmo iyo caruur ay dhaleen

Recommended Posts

Deeq A.   

Luuq (Caasimadda Online) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in degmada Luuq ee gobolka Gedo ka afduubteen Labo guddoomiye Tuulo, kadib weerar lama filaan ah oo ay halkaasi ku qaadeen.

Afduubka ayaa ka dhacay gaar degmada Luuq, iyadoo laba guddoomiye tuulo oo ka tirsan degmada Luuq ay qafaasheen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana sidoo kale lala qafaashay wiilal ay dhaleen.

Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiinta la afduubtay uu ka mid yahay Gudoomiyihii tuulada Shaatilow oo lagu magacaabi C/llaahi Kuusow Maxamed iyo guddoomiyaha tuulada Caddaley Axmed Cumar ooo uu wehliyo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale ka mida gudoomiyaha tuulada Baakaale wiil uu dhalay iyo gaarigi gudoomiyahaasi, balse gudoomiyaha tuuladaasi la waayey.

Dadka gacanta Alshabaab ku maqan ayaa kala ah Laba guddoomiye iyo laba wiil oo ay kala dhaleen guddoomiye ay qafaasheen iyo mid kale oo ay waayeen, waana afar qof. Waxayna arrintan ahayd mid cabsi ku riday dadka degaanka oo ay tahay markii ugu horeysay ee afduub noocan ah ay Alshabaab ku dhaqaaqaan.

Tuulooyinka Shaatilow ee degmada Luuq ayaa u jira jirta 18-km, halka Deagaanka Caddiley isna u jiro Luuq u jirta 21-km.

Lama oga halka rasmiga ah ee Al-shabaab la aadeen guddoomiyeyaashan, iyadoo lasoo sheegayo in hadda ay howlgallo wadaan ciidamada dowladda federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this