Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin yaab leh: Wasaarada warfaafinta oo qalab qaali ah laga xaday kaddibna wacatay SIXIROOLEYAAL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xubno ka tirsan Wasasaradda Warfaafinta u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimada Online, wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa laga xaday kaamiro qaali aheyd, oo muuqaallada loogu soo duubi jiray.

Kaamirada laga xaday Wasaaradda Warfaafinta ayaa qiimaheedu lagu sheegay ilaa 10,000 oo Dollar (Toban kun oo Dollar), taasoo laga soo iibiyey sida la sheegay dalka Imaaraadka Carabta.

Kaamirada ayaa laga xaday gudaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la aqoonsanb waayey ciddii qaadatay, arrintaas oo keentay in la dhaariyo dhammaan shaqaalahihii Wasaaradda joogay waqtigii la waayey Kaamiradaas.

Sida aan xogta ku helnay waxaa Shaqaalahaas dhaariyey Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha, hase yeeshee dhammaan shaqaalihii ayaa wada dhaartay, taasi oo keentay in weli aan la aqoonsan cidda xaddat kaamirada.

Dhaarta kadib madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku qanci weysay dhaartii la mariyey dhammaan shaqaalihii joogay, waxayna go’aansadeen inay qaadaan tallaabo la yaab laheyd oo ah in Afgooye laga dalbo sixiroorayaal wax-faaliya oo sheego ciddii qaadatay Kaamiradaas.

Inta badan shaqaalihii la dhaariyey ayaa arrintaas ka hor imaaday waxayna sheegeyn inay tahay arrin ka baxsan diinta Islaamka, islamarkaana tallaabadaas ay horseedi doonto dhibaato xoog leh.

Madaxda Wasaaradda ayaa ku adkeystay inay arrintaas ku dhaqaaqi doonaan isla markaasna la isticmaali doono sixiroolayaashaas in lasoo helo cidda xadday kaamirada.

Ilaa hadda ma caddo jawaabta ay bixiyeen sixiroorayaasha balse waxaa muuqato inay tallaabadaas keentay khilaaf horleh welina lama soo bandhigin natiijada kasoo baxday.

” Runtii tallaabadaas waxay nagu noqotay mid la yaab leh, Afgooye ayaa laga keenay sixiroorayaal la sheegay inay sheegi doonaan cidda Kaamirada qaadatay, arrintaasna waa mid aan waafaqsaneyn sharciga Islaamka” ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee kamid ahaa kuwii la dhaariyey, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waa markii ugu horeysay ee arrin noocaan camal ah ee ka dhacdo Xafiisyada dowladda Soomaaliya inta la xasuusto.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa muddo ka hor sidoo kale laga xaday qalab qaali ahaa waxaana suurta geli weysay in la helo dadkii qaadatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this