Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jiro in la siin deyn rabo Saraakiil loo xir xiray Weerarkii Otto Otto?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan la xiray qaar badan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada dowladda kadib markii lagu soo eedeeyey inay fududeeyeen weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa waxaa hadda soo baxayo warar cusub.

Sida xogta lagu helay waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu siidaayo  saraakiishaas waxaana arrintaas soo dhexgalay  waxgaradka beelaha ay kasoo kala jeedaan.

Waxgarad kasoo kala jeeda Beelaha ay ka dhasheen Saraakiishaasi ayaa kulamo gaar gaar ah waxay la qaateen Taliyayaasha Ciidamada Amniga iyagoo doonaya in si hoose lagu dhameeyo hadii dambiyo lagu helay Saraakiishan xabsiga ku jirta ee xiray wax ka badan intii sharciga u ogolaa inay xirnaadaan.

Baaritaanka Saraakiisha ayaa la xaqiijiyay inay fududaatay kadib markii codad dhageysi ah laga helay teleefoonada gacanka oo ay wataan kuwaa oo lagala xiriiraayay Ragga fuliyay ismiidaaminta iyo maleeshiyaadka gudaha u galay xarunta.

Saraakiisha Xabsiga loo dhigay Weerarkii Otto Otto ayaa isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid waxaana Baaritaankoosa uu ka socdaa xarunta baarista Villa Somalia iyo xarunta CIDda Degmada Hodan, waxaana ka qeybqaadanaaya Saraakiil ka socta Wasaarada amniga.

Xarakada Al-Shabaab ayaa si sahlan ku gashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyagoo dilay qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay in su’aal la iska waydiiyo sida ay ku suurtagashay inay meeshaas soo gaaraan.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerarada u maraan saraakiishada Ciidamada dowladda iyagoo siiyo lacago sida ay sheegayaan qaar ka tirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda.

Sababta ugu badan ee keento inuu xiriir dhex maro Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ah inaysan saraakiisha heysan daryeel iyo mushaar ku filan oo ay kaga maarmaan inay qiyaano iyo luusha sameeyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay maxkamad soo taagi doonto saraakiisha la xiray haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyey waxaana la qiyaasi karin meesha uu ku dambeyn doono dadaalka ay wadaan Odayaasha beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this