Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo shaacisay inay lacago magdhaw ah siineyso Shirkada DP World (Cadadka lacagta)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay bixineyso lacago magdhaw ah oo ay siin doonto Shirkadda DP World oo muran muddo qaatay uu kala dhexeeyay.

Dowlada Jabuuti ayaa tilmaantay in magdhawgaasi uu noqon karo in ka badan ama ka yar 500 Milyan oo dollarka mareykanka ah taa oo la bixindoono todobaadka soo socda.

Dowlada Jabuuti waxa ay tilmaantay in ujeedka magdhawga uu yahay si loo xaliyo murunka ka dhashay maamulka Dekadda Dooraale e dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha dekadaha iyo Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diidan yihiin in gacan seddexaad ay ku lug yeelato wadahadal dhex mara Jabuuti iyo maamulka Shirkadda DP world.

Abuubakar Cumar Haadi, waxa uu intaa raaciyay in shirkada DP World laga doonayo inay la fariistaan Jabuuti ayna qaataan lacagta ay magdhow ahaan ogol yihiin inay bixiyaan.

Guddoomiyaha dekadaha iyo Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi waxa uu yiri, “Waa inay annaga nala fariistaan, Qaataan Lacagtooda kadibna baxaan ahmiyada waa in la xaliyo khilaafka un”.

Warbixin lagu daabacay bogga arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ee Financial Times ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti Todobaadkii lasoo dhaafay ay furmay Wajiga koowaad ee ganacsiga xorta ah oo ay ku baxeyso 3.5 bilyan oo ay la galeen dowladda China.

Sidoo kale, shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaana arintaasi ku sheegtay inay tahay mid lagu jibinayo heshiiskoodii muddada 30 sano ah ee ku aadanaa dekadda Dooraale.

Dowlada Jabuuti waxay hadda sheegtay inay diyaar u tahay bixinta Magdhow-ga heshiiskii ay la galeen DP World, maadaama ay ka hor yimaadeen inay 30 sano maamusho dekadda Dooraale ee dalka Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this