Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaabkii weeraray agagaarka V/Somalia oo xog rasmi ah laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan weerar ay sabtidii hore maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaaden barokoontarool oo ciidamada Koofi casta ee ilaaliya Xarunta Villa Somalia ku leeyihiin afafka hore ee Madaxtooyada.

Weerarka oo loo adeegsaday laba Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo daagaal toos ah, ayaa waxaa fuliyay maleeshiyo horay uga tirsanaa Al-Shabaab oo ku dhex milmatay ciidamada Militeriga.

Baaritaano maalmo qaatay oo la sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay ka qeybqaten tababar dhawaan loo soo xiray ciidamo khaas ah.

Maleeshiyaadka oo ahaa toddoba ayaa ciidamo ay qaadatay dowlada Somalia lasoo dhameystay tababar muddo socday, halkaa oo ay ka heleen dareeska cusub ee ciidamada Militeriga ee cagaarka ah.

Mid kamid ah Saraakiisha ka qeybqaadatay barista ayaa  yiri “Waxaa soo idlaaday baaritaanka weerarka sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay afafka hore ee xarunta Villa Somalia, waxaan xaqiijinay in maleeshiyaadka weerarka fuliyay ay lasoo tababarteen ciidamo ka tirsan dowlada oo Militery ah dhawaana uu tababar usoo xiray Ra’isul wasaare Kheyre”

“Baaritaanka waxaa ka qeybqaatay khubaro uu soo xulay Ra’isul wasaare Kheyre si loo xaqiijiyo weerarka iyo cida gacanta ka geysatay, waxaa soo baxday in maleeshiyaadka markii hore ay ka mid ahaayen ciidamo cusub oo ay qaadatay dowlada”

“Dareeska ay wateen oo ahaa mid xitaa aysan wada heysan ciidamada Militeriga waxa ay ku heleen tababarka ay ka qeybqaaten sidaa ayaana u sahashay in weerarka ay u isticmaalan dareeska ciidamada”

Waxa uu sheegay Sarkaalkan oo aan idin u qabin in macluumaadka uu la wadaago saxaafada in dowlada Somalia ay go’aan ku gaartay adkeynta qaadashada ciidamada cusub.

Sidoo kale, dowlada Somalia oo soo xirtay kiiska weerarka ayaa xirtay qaar kamid ahaa Saraakiisha damaanatay maleeshiyaadka weerarka qaaday xiliga la qaadanaayay.

Dhinaca kale, baaritaankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil cadaan ah, kuwaa oo garwaaqsaday in dowlada Somalia ay ku hingowday wax ka qabashada amniga Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this