Xaaji Xunjuf Posted July 17, 2018 Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Khilaafkan oo u muuqda mid salka ku haya kala sareynta mas’uuliyinta dowladda iyo cidda ay tahay in ay sii waddo shaqada Wasaaradda marka uu Wasiirku dalka ka maqan yahay. Wasiiru-dowluhu Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xayir Ibraahim ayaa ka hor yimid Qoraal horay uga soo baxay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle oo ku-sime Wasaaradda uga sii dhigay ku-xigeenkiisa Cabdullaahi Sheekh Cali Khaloocoow. Qoraalka Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale la gaaarsiiyay Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Hanti dhowrka Guud, kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha intaba. Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray is qab qabsi dhinaca awoodaha ah oo u dhaxeeyay mas’uuliyiinta Wasaaraddaha xukuumadda qaarkood oo xilalka isku qabta marka uu Wasiirku dalka ka baxo, waxaana loolanka ugu badan uu ka dhax jiraa Wasiir ku-xigeennadda iyo Wasiiru-dowlayaasha. Wasiirka Maaliyada ayaa hadda ka mid ah Wafuud ka qeybgaleysa shirka looga hadlayo xaalada Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Brussels Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasiiru-dowlaha : Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted July 18, 2018 This is what happens when you have too many so called ministers without portfolios just to fill clan quotas. By the way, what is "wasiirul dawli"? Never heard of it before!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 18, 2018 Wasiru dowlo is deputy minister but since Mogadishu is a zoo. The minister get undermined by his deputy Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 18, 2018 Wasiru Dowlah (State Minister) is not Deputy Minister but to be honest, I don't know what he does. Quote Share this post Link to post Share on other sites