Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo qabtay Nin Aaabihiis Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Nin dhalinyaro ah oo abaahiis ku dilay Gobolka Jubbada Hoose.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa dilay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Shariif Kalar oo ahaa Aabihiis.

ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta uu wiilkaasi dhalinyarada ah uu Aabihiis u dilay.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaasi iyaga oo hadda weeydiinaya su’aalo ku saabsan sababta uu aabihiis u dilay.

Ninkaan ayaa dilka Aaabihiis u adeegsaday Baangad uu qudha kaga Jaray Allaha u naxariistee Aabihiis Cabdullaahi Shariif Kalar.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ay dib warbaahinta ugu faah faahin doonaan qaabka uu falkaan u dhacay iyo sababta uu Aabihiis u dilay Wiilka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Ciidamada Jubbaland oo qabtay Nin Aaabihiis Dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this