Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaca iyo deegaanka uu ka yimid mid ka mida raggii fuliyey weerarkii agagaarka Villa Somalia oo la shaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada AlShabaab ayaa goordhow baahisay magaca mid kamid ah maleeshiyaadkii fuliyay weerarka ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia.

War qoraala oo kasoo baxay maleeshiyada Alshabaab laguna baahiyay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka gaar ahaan Idaacada Andulus ayaa lagu sheegay in raggii weerarkaas geystay uu ka mid ahaa, isl markaana uu isqarxiyey  Maxamed Xuseen Sheekh Rooble.

Naftii haligahaani fuliyay ismiidaaminta ayaa lagu naaneesi jiray Deeqoow Xiirane waxa uuna muddo fog ka tirsanaa Alshabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in naftii haligahaani da’diisu ay aheyd 24 Sanno jir, isla markaana uu ku dhashay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhawaan soo bandhigtay Magacyada laba ka mid ah ragii isku qarxiyey Xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Geesta kale, weerarka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad lix ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo xiliga weerarka ku sugnaa eeryada uu weerarka ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this