Sign in to follow this  
Deeq A.

5 arrin oo sabab u ah inaan qaraxyada iyo dilalka AL-SHABAAB laga hor-tagin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kasta Magaalada Muqdisho ka fuliso qaraxyo qorsheysan oo lala eegto xarumaha ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya iyo Hoteelada ay jiifaan madaxda Dowladda.

Waxaa mar kasta la is waydiiyaa sababta keentay qaraxyadaas inaan laga hortagin iyadoo la ogyahay in Ciidamada dowladda u qoran ay ka badan yihiin kuwa Shabaab ka tirsan isla markaasna ay dowladda heysato fursad ka wanaagsan midda Al-Shabaab heysato.

Haddaba waxaan halkaan kusoo gudbineynaa 4 waxyaabood oo asaas u ah inaan laga hortagin qaraxyada Al-Shabaab:

1) Ciidamada Dowladda: Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaai intooda badan aheyn kuwa ay ka go’an tahay inay qaraxyadaas ka hortagaan waxaana sabab u ah  arrimaha soo socdo:

– Ciidamada Dowladda ma heystaan mushaar ku filan iyo mid joogto ah

– Ciidamada Dowladda intooda badan waa kuwa isticmaalo mukhaadaraad mana ka cabsan Alle iyo dowlad midna, intooda badan ma gutaan waajibaadka diiniga ah ee Alle saaray, taasna waxay keentay inay qaataan laaluush isla markaasna ay fasaxaan qaraxyada  iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

– Ciidamada dowladda oo aan heysan tababar fiican oo ku filan

– Dowladda Soomaaliya oo aan muhiimadda siinin ciidamada dowladda taas badalkeedana ay xoogga saarto mushaarka Shaqaalaha rayidka ah.

– Ciidamada Dowladda midna uma dagaalamaan wadan iyo Diin, midaasna waxay keentay inaysan daacad ka noqon la dagaalanka Al-Shabaab.

– Taliyaasha Ciidamada qaarkood oo la shaqeeyo Al-Shabaab.

– Madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya oo aysan ka go’neyn inay si dhab ah u wajahaan ururkaan baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

2) Sirdoonka  Al-Shabaab oo ka  halisan kan dowladda: Ururka Al-Shabaab ayaa heysto sirdoon ka fiican midda dowladda, taasna waxay keentay inaan inta badan la ogaan howgalada ay rabaan inay fuliyaan halka sirdoonka dowladda ay awoodi la’yihiin inay helaan xogta dowladda Soomaaliya.

3) Mas’uuliyiinta dowladda Qaarkood oo Al-Shabaab ka tirsan: Waxaa la rumeysan yahay inay Al-Shabaab dowladda ku dhex leedahay mas’uuliyiin fikirkooda ku shaqeeyo, midaasna waxay sahashay inay Shabaab hesho xogta dowladda oo dhameystiran.

4) Shacabka iyo dowladda oo aan isku xirneyn:  Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya kama dhaxeeyo wax xiriir ah waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dadka dhexdooda kasoo abaabulaan waxay rabaan maadaama ay dadka cabsi geliyaan isla markaasna ay dilayaan ciddii arrimahooda soo farageliso.

5) AMISOM oo aysan daacad ka aheyn howgalka:  Howgalka Midowga Africa (AMISOM) daacad kama ahan in meesha laga saaro Al-Shabaab, waxayna markasta kasoo baxaan goobaha cusub ee lagala wareego Al-Shabaab maadaama ay qaataan mushaar aad u badan ayna doonayaan inuu mashruucaan usii socdo.

Sidoo kale waxaa jiraan waxyaabo badan oo aan inta lagu soo koobi karin balse inta ugu muhiimsan  waa shantaan qodob haddii la xaliyana ay suurta geli karto in laga hortago qaraxyada Al-Shabaab Inshaa Allah sida ay qabaan qubarada xagga ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this